Iyadoo ay Dagaalyahannadda Alshabaab xalay labo jeer jidka u galeen Ciiddan ka tirsan Boliska Kenya ayaa waxaa soo baxayo warar is-khilaafsan oo ku aadan khasaaraha Askarta Kenya ka soo gaaray iska horimaadkiii ka dhacay Deegaanka Yumbis iyo Tuulladda Faafi.
Xarakadda Alshabaab waxay sheegeen inay 25 Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya ku dileen labadaasi hawlgal, inkastoo ay Saraakiisha Boliska Kenya tiradda ka dhigayaan wax ka yar 10-Sarkaal.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ka tacsideeyey Askarta lagu dilay weerarkii ka dhacay Yumbis.
Madaxweynaha ayaa Tacsidiisa soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka ee  @UKenyatta wuxuu ehelladda ay ciiddanka ka geeriyooday la qeybsaday Tiiraanyadooda.
Laakiin, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa bartiisa Twitterka ee@InteriorKE Â waxa uu soo dhigay hadal uu ku sheegay inay jirin Saraakiil Bolis oo ku geeriyootay weerarkii Alshabaab ee Deegaanka Yumbis.
Wasiirka waxa uu sheegay in hal Sarkaal oo ku dhaawacmay weerarkaasi loo soo duuliyey Nairobi si daaweyn dheeraad ah loogu sameeyo.
Hadalka Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa u muuqda mid iska horimanayo, laga yaabee inuu Wasiirku dadayo khasaaraha ka dhashay weerarkii ka dhacay Deegaanka Yumbi.
© Warqabadka Dalsan Radio