Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya, ayaa markale ku celiyay in Ururka Al Shabaab ay halis ku yihiin amniga dalkiisa, isagoona shacabka ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka Al Shabaab.
Madaxweynaha Kenya, ayaa sheegay in Shabaabku ay ka faa’iideysanayan kala qaybsanaanta shacabka reer Kenya, taasina looga gudbi karo shacabka oo la shaqeeya ciidamada.
“Al Shabaab waxay halis ku tahay amniga Kenya, iyadoo ka faa’iideysanaysa kala qaybsanaanta shacabka reer Kenya.” Ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.
Madaxweynaha, ayaa yiri “Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay midoobaan, halmeel-na ay uga soo wada jeestaan dhibaatada iyo cabsi gelinta ay ku hayso argagixisada.”
Waxaa uu ku celiyay haddii aysan shacabku la shaqaynin ciidamada inaanay ka adkaan karin Al Shabaab, iyaguna ay baqdin ku noollaan doonaan.
“Shacabka waxaan farayaa inay la shaqeeyaan ciidamadooda, haddii aanay shacabku la shaqaynin ciidamada, kama adkaan karaan Al Shabaab, cabsi ayaana ku noollaan doontaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ka hadlayay xero ciidamada lagu tababaro oo ku taala Gobolka Nakuru.
Universaltv