Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Ku-xigeenkiisa, William Ruto ayaa soo dhaweeyey go’aankii uu Hoggaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka NASA, Raila Odinga ku sheegay inuusan ka qeyb geli doonin Doorashadda Ku-celisla ee Madaxtinimadda dalkaasi oo la filayo in la qbato bishan October 26-da.
“Waan maqlayey inuu sheegay inuusan tartami doonin, iyadoo aan kharaj gareynay 12 Billion oo Shillin†ayuu yiri Uhuru Kenyarta.
Waxa uu intaasi ku daray in Kharajkaasi loo adeegsan lahaa Mashaariic kale oo Horumarineed.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxa uu u sheegay Taageerayaashiisa inay diyaar u yihiin inay ka qeyb galaan Doorashadda oo ah Xaqa Dadku u leeyihiin inay ka qeyb galaan Doorashada ay ku dooranayaan Hoggaamiyayaashooda.
Waxa kale oo uusheegay inay dadka Reer Kenya go’aansan doonaan Mustaqbalkooda.