Madaxweynaha dalka Kenya, waxa uu hadalkaasi ka sheegay Shirka Madaxda Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia ku leeyihiin caasimadda dalka Jabuuti.
Waxa uu ku baaqay in si degdeg ah Ciiddamo ka tirsan AMISOM loo soo daad-gureeyo Gobalka Gedo, isagoo sheegay maqnaanshaha AMISOM tahay sababta ay had iyo jeer Alshabaab u soo weeraraan dalkiisa.
“Gobalka Gedo waxa uu gabbaad nabadeed u noqday Alshabaab, iyo in laga soo qaado weeraradda ka dhanka ah Ciiddankayga iyo dadka ku nool xuduudka labada Waddan†ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo gocasho ka muujiyey Askartii badnayd ee ay Alshabaab bishii hore ku dileen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
Waxa uu ugu yeeray inuu weerarkii Ceel-cadde ahaa  Imtixaan ku aadan Ballaankeenna La-dagaalanka Argagixisadda, waa sida uu hadalka u yiri, wuxuuna intaasi ku daray inay ka go’an tahay in lagu guuleysto La-dagaalanka Alshabaab.
Madaxweynaha Kenya, waxa kale oo uu tilmaamay inay AMISOM u baahan yihiin taageero dhinacyadda Cirka, Dhulka iyo Badda si loo xoojiyo Hawlgalka AMISOM.
Waxa kaloo uu sheegay inay Golaha Ammaanka ee QM ku fashilmeen ballanqaadkoodii sannadkii 2012-kii ee ahaa inay 12 Diyaaradaha Helikoptarka ku soo biirin doono Hawlgalka AMISOM.
Uhuru Kenyatta waxa kaloo uu ka hadlay go’aankii ay Midowga Europe dhawaan ku gaareen inay 20% dhimeen Taageeraddii ay siin jireen Hawlgalka AMISOM,wuxuuna carrabka ku dhufay inuu xilligan yahay waqtigii la xoojin lahaa Awoodda AMISOM, iyadoo lagu tashanayo Ciiddanka iyo Kheyraadka Afrika, mana wiiqmi doono Hawlgalka AMISOM.
Uhuru Kenyatta waxa uu ugu baaqay Hoggaamiyayaasha dalalka ay Ciiddanka ka joogaan Somalia inay diidaan codsi kasta oo la xiriira in Ururka Midowga Afrika bixyaan Kharajka Hawlgalka AMISOM.
Bishii Janaayo 19-dii ee sannadkii 2007-dii, Hawlgalka AMISOM waxa lagu asaasay Ciiddamo ka kala socda dalalka Kenya, Djibouti, Uganda, Burundi iyo Ethiopia, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalkaasi oo hadafkiisu guud yahay La-dagaalanka Alshabaab iyo sidii Nabad iyo Deganaansho loogu soo dabaali lahaa dalka Somalia.
©Radio Dalsan    Â