Madaxweynaha Kenya ayaa hadalkaasi ka sheegay, kadib, markii uu Aqalka Dowladda ee Nairobi la kulmay Danjirihii hore ee Somalia u joogay dalkaasi, Jamaal Maxamed Xasan oo xilkaasi ka degay, kadib, markii loo magacaabay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ee XFS.
Uhuru Kenyatta waxa u usheegay inuu aad u xoogeysanayo Xiriirka labada Dowladood, isla markaana iska kaashanayaan La-dagaalanka Alshabaab, sugidda Ammaanka iyo Dhiirigelinta Ganacsiga Tooska ee labada Waddan, waa sida uu hadalka u yiri.
“Dhigeyga Somalia keli kuma aha La-dagaalanka Xag-jirka†ayuu yiri Madaxweynaha Kenya oo intaasi ku daray inuu doonayo inu umar kale u xaqiijiyo Madaxweyne Farmaajo inuu saaxiib ku leeyahay Kenya.
Madaxweynaha Kenya waxa kale oo u usheegay inuu Madaxweyne Farmaajo kala shaqeyn doono Dhiirigelinta Ganacsiga Tooska ee u dhexeeya Labada Waddan, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu Xuduudka Liboya ama Mandera ka furi doono Bar ay Ganacsatadda labada dal si sharci ah ugu kala ganacsan karaan.
Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Somalia kala shaqeyn doonaan sidii loo caadiyeyn lahaa Dhaqdhaqaaqa dadka ee isaga kala gudbayo Xuduudka Labada Waddan.
Si kastaba ha ahaatee, Hadalka Uhuru Kenyatta ayaa u muuqda mid Beerlaxawsi Siyaasadeed ah, maadaama uu Gidaar weyn ka dhisayaan Xuduudka Labada Waddan, taasi oo aan hubaal ka dhigi karin Ganacsi Toos ah oo ka gudba Xuduudka xayndaabka leh.
©Radio Dalsan