Madaxweynaha dalka Kenya ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu maanta Khudbadiisa Sannadlaha ka jeediyey Labada Aqal ee Barlamaanka dalkiisa.
Waxa uu ka hadlay Ciiddanka Kenya ee ku sugan gudaha Somalia, wuxuuna ugu baaqay Dadka Kenyanka inay taageeraan Ciiddankaasi oo uu sheegay inay u adeegayaan Qaranka Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa u uku dooday in Askarta Kenyanka eek u geeriyooda Dagaalka Alshabaab inaysan ahayn wax rajo la’aan ah, waa sida uu hadalka u dhigay.
Mar uu ka hadlayey Xilliga Ciiddankaasi laga soo saarayo gudaha Somalia, waxa uu  sheegay inay siijoogi doonaan gudaha Somalia ilaa uu ka dhamaanayo Dagaalka ay kula jiraan Dagaalayamaayaasha Alshabaab.
“Sannadkii 2011-kii, waxaan samaynay Qaraar Taariikhi ah, waxaan dhallinyaradeenna ragga iyo gabdhaha u dirnay inay ka gudbaan Xuduudka, si ay ula dagaalamaan caddowga†ayuu yiri Uhuru Kenyarra, oo intaasi ku daray inay Ciiddanka Kenya iskaashi wada-shaqeyn la leeyihiin Isbahaysiga Gobalka iyo kuwa Caalamiga.
Waxa uu ku dooday in Hawlgalka ay u galeen Somalia lagu caano-maalay, isla markaana uu dadaalkooda horseeday in gudaha Somalia laga dhiso Dowlado rayid ah, wuxuuna tusaale u so oqaatay Doorashadii lagu soo doortay Madaxweyne Farmaajo.
Waxa uu sheegay in joogitaanka Ciiddankiisa ee Somalia fududeynayso inay Alshabaab kula dagaalamaan gudaha Somalia, halkii aykula dagaalami lahaayeen gudaha Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.
Dhinaca kale, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ma soo hadal-qadain Khasaaraha Dhimashadda ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab u geysteen Ciiddanka Kenya tan iyo markii ay Ciiddankaasi soo galeen Somalia bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii.
Khasaarihii ugu dhimashadda badnaa ee ay Ciiddanka Kenya kala kulmeen Dagaalamyaasha Alshabaab waxaa laga xusi karaa Dagaalladii ka dhacady Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo, oo lagu dilay in ka badan 180-Askari iyo Dagaalkii kale ee ka dhacay Deegaanka Kul-biyow ee Gobalka J/hoose, oo lagu dilay in ka badan 68 Askari oo Kenyan ah.
 ©Radio Dalsan