Xisbiga Dimuqraadiyadda ee Kenya ayaa ku baaqay in Ciiddanka Kenya laga soo saaro Somalia, kadib, weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku dileen Askar badan oo Kenyan ah oo ku sugnaa Deegaanka Kul-biyow ee Gobalka J/Hoose.
Guddoomiyaha Xisbiga The Democratic Party, Yacquub Xaaji  ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku booriyey inuu u yeero Ciiddanka Nabad-ilaalinta u jooga Somalia, kadib, weerarkii ay Alshabaab dhawaan ka geysteen Kul-biyod iyo duleedka Mandera.
Guddoomiyaha Xisbigaasi waxa uu tilmaamay inuu ka argagaxay weerarkii Kul-biyow ka dhacay bishii January 27-dii, isla markaana uu shaki xooggan ka jiro Awoodda Ciiddanka Kenya u leeyihiin Hawlgalkaasi.
Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay inay Dowladda Kenya dib-u-eegis ku samayso arrinta Ciiddanka kaga sugan Somalia.
“Kenyanka waxay ku daaleen Wararka ku aadan dhimashadda iyo natiijadda weeraradda Iska caabinta ee gudaha dal shisheeye†ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga The Democratic Party, Yacquub Xaaji, oo ku celiyey baaqiisa ah in Ciiddanka Kenya dib looga soo saaro Hawlgalka ay u joogaan Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee Dowladda Kenya lagula taliyo inay Ciiddankooda kala soo baxaan Somalia, kadib, khasaarihii ba’naa ee ka soo gaaray Weerarada Alshabaab la beegsadaan Ciiddanka Kenya ee ku sugan Somalia, gaar ahaan weeraradii  Kul-biyow iyo Ceel-cadde oo lagu dilay Boqolaal Askar Kenyan ah.
 ©Radio Dalsan