7 Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Kenya, lagana soo doorto Mandera iyo Wajeer waxay si kulul u naqdiyeen Hay’addaha Ammaanka Kenya, kadib, markii la helay Qabuur-wadareed lagu aasay 12-mayd.
Xildhibaanadda oo shir Jaraa’id ku qabtay Dhismaha Barlamaanka Kenya waxay cambaareeyeen Falkaasi, waxayna Madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu baaqeen inuu soo farageliyo dhacdadaasi, lana soo diro Baarayaal Madax-bannan.
Xildhibaanadda waxay ku goodiyeen haddii la iska dhega-tiro Codsigooda inay Maxkamadda Calaamiga ICC iyo QM ka dalban doonaan inay baaraan falkaasi oo ah dembi ka dhan ah Aadanaha.
Xildhibaan Billow Keerow oo laga soo doorto Mandera ayaa sheegay in loo baahan yahay inuu Madaxweyne Uhuru si dhab ah u qaato dhacdadan, wuxuuna ku goodiyey haddii wax laga qaban waayo inay QM iyo Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda (ICC) ka dacwoon doonaan si Baaritaan Caalami loogu sameeoyo dadkii ka dambeeyey Xasuuqa dadka lagu aasay Qabuuro-wadareedyadda.
Shalay ayey ahayd markii maydadka 12-qof laga helay  Qabuur-wadareed deegaanka Omar Jillow ee Xaafadda Lathe oo 30-KM u jirta Mandera, waxaana laga bar aqoonsaday maydadkaasi Haweeney oo ay Ciiddanka Ammaanka Kenya ka kaxeysteen Khamiistii hore Dukaan yar oo ay Shaaha ku iibin jirtey.
Haweeneydaasi oo magaceeda lagu sheegay Isnina Musa Sheikh ayaa ahayd hooyo 5 carruur dhashay.
Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Soomaalida deggan W/bari Kenya waxay dilalka iyo maydadka la helay dusha ka saareen Ciiddanka Kenya oo ay sheegeen inay Xerooyin dadka lagu hayo ku leeyihiin Manderea.
Saddex bilood ka hor, 11-mayd ayaa laga helay qabri ku yaalla Degmadda Wajeer.
Wararkii u dambeeyey ee naga soo gaarayo W/bari Kenya ayaa waxay sheegayaan inay Maxkamad ku taalla Mandera u fasaxday Boliska inay qodi karaan Qabuur-wadareedyadda ku yaalla Tuulladda Lathe ee duleedka Mandera.
© Radio Dalsan     Â