John Mututho oo hore uga tirsanaa Barlamaanka Kenya waxa uu ka codsaday Madaxweyne Urur Kenyatta inuu Somalia kaga daydo qaabka loo soo xiro, loona maxkamadeeyo dhamaan Dembiilayaasha ka dambeeya Dhaca Hantida loogu talagalay La-dagaalka COVID 19.
Siyaasigaasi oo horey u ahaa Xildhibaanka laga soo doorto magaalladda Naifasha ee dalkaasi waxa uu hadalkaasi ku sheegay mar uu Suxufiyiinta kula hadlay Nakuru, isagoo carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in la qaado Qaabka Somalia iyo Ficiladda wax looga qabanayo Musuqa.
Dhinaca kale, waxa uu sheegay in Hay’adda Baarista Kenya u muuqdaan inay ku fashilmeen arrintaasi iyo inay taasi tahay sababaha ay Kenya taageeradda uga baahan tahay Somalia, wuxuuna qiray inay Somalia Tusaale fiican u tahay qaabka loola macaamilo Tuugga dhacda Hantida loogu talagalay Ka-hortaga COVID 19.
Xildhibaankaasi horey uga tirsanaa Barlamaanka Kenya ee John Mututho waxa uu ugu baaqay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha iyo xubnaha ka tirsan Ururada Bulshadda Rayidka Kenya inay sii wadaan sidii Dibadbaxyo ballaaran loogu qaban lahaa guud ahaan Kenya, iyadoo la qaadanayo Hal-ku-dhegga Hashtagga “ArrestCOVID-19Thieves’ ee la micno ah “Ha la Xiro Tuugada COVID 19″.
Si kastaba ha ahaatee, Hadalka Siyaasiga Kenyanka ee John Mututho waxa uu soo baxay, kadib, markii ay Maxkamadda Gobalka Banaadir Xukun iyo Ganaax Lacageed ku xukuntay 4 Mas’uul oo ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka ee DFS, kuwaasi oo lagu helay inay dhaceen Kharajkii loogu talagalay Ka-hortaga COVID 19.
“Haddii aysan Dowladda Kenya iyo Hay’addaheeda awoodi Karin inay baaraan Dembiilayaasha ka dambeeya Xatooyada Hantida loogu talagalay COVID 19, markaa waxaa haatan la jooga xilligii aan Taageero ka codsan lahayn Somalia†ayuu yiri John Mututho.
Waxa uu intaasi ku daray inay Somalia tusisay Kenya qaabka loo xiro, loona xukumo Shaqsiyaadka dhaca Hantida loogu talagalay Ka-hortaga COVID 19.
John Mututho waxa uu sheegay inay Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku boorinayaan inuu Somalia ka codsado Kaalmo, si gacan bir ah loogu qabto kuwa ku sifoobay Xatooyada Hantida loo qoondeeyey Ka-hortaga COVID 19.