Madaxweynaha dalka Kenya waxa uu Baaqaasi ka jeediyey Dibadbax lagu maamusayey Maalinta Geesiyiinta Kenya oo lagu qabtay magaalladda Nairobi.
Waxa uu dadka Reer Kenya ku booriyey inay feejignaan buuxiyaan, kuna baraarugaan qarixii isbuucii hore ka dhacay Isgoyska Zoope ee magaalladan Muqdisho, ee ay Boqolaal ku geeriyoodeen, kuna dhaawacmeen.
Waxa kale oo uu ka codsaday Dadkiisa inay soo sheegaan qof kasta oo ay kaga shakiyaan inuu wax u dhimayo Amamanka Kenya.
“Dalka aynu deriska nahay ee Somalia waxay dhibaato kala kulmeen Qarax ay ku geeriyoodeen dad badan oo Birri-ma-geydo ah.†Ayuu yiri Uhuru Kenyatta, oo intaasi ku daray inuu u tacsideynayo dadka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay Ciiddanka Kenyanka ee ku sugan gudaha Somalia, oo uu sheegay inay qaarkood geeriyoodeen iyagoo safka hore kaga jira gudashada Waajibkooda, waa sida uu hadalka u dhigay.