Ugu yaraan 60 ruux ayaa ku dhimatay labo qarax oo ka dhacay koonfurta Ciraaq, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska iyo kuwa caafimaadka.
Qof ayaa qarax gaystay ka dibna rag ayaa rasaas ku furay gudaha makhaayad ku taalla magaalada Nasiriya, oo ah caasimadda gobolka Dhiqar, sida sheegeen ilo laamaha ammaanka ka tirsan.
Inyar ka dibna gaari ayaa lagu qarxiyay jidgooyo aan goobtii hore ka fogayn.
Kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas.
Dad Shiico ah oo xajinayay oo ay ka mid yihiin kuwo ka yimid Iiraan ayaa ku dhintay weerarkaas.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warrantay in raga weerarka soo qaaday ay iska soo dhigeen malayshiyada Hashd al-Shaabi ee Shiicada ah oo ciidammada Ciraaq ka garab dagaalanta marka la weerarayo kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.