Saraakiisha ayaa sheegay in Nin watay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyey Kolonyo Ciiddamo Maraykanka oo marayey meel ku dhow Safaaradooda, iyadoo 8 qof lagu dilay, 25 kalena lagu dhaawacay oo 3 ka mid Askar Maraykan ahaa.
Ku-xigeenka Afhayeenka Wasaaradd Arrimaha Gudaha ee Afganistan, Najiib Danish ayaa sheegay inuu qaraxasi dhacay Waabeerigii hore ee saakayto, wuxuuna geystay dhimasho, dhaawacyo iyo burbur gaadiid Tekniko ah iyo kuwa khaaska loo leeyahay.
Afhayeenka Ciiddanka Badda Maraykanka, Captain Bill Salvin ayaa xaqiijiyey in 3 Askar Maraykan ah ku dhaawacmeen Qaraxaasi.
Dalka Afganistan waxaa ku sugan in ka badan 8-kun oo Askar Maraykan ah, kuwaasi oo Milliteriga Dowladda ka taageera Dagaalka lagula jiro Daalibaan iyo Daacish.
 ©Radio Dalsan