Kooxda la-socodka dagaalka dalkaasi ayaa sheegtay in Diyaarado loo malaynayo inay leeyihiin Isbahaysiga Maraykanka duqeeyeen labo goobood oo ku taalla Gobalka Deyr Al-suur ee Bariga Syria.
Duqeyn ka dhacday Degmadda Bukamaal, kuna dhow Xuduudka Iraq ayaa la sheegay in lagu dilay 13 qof oo rayid ah iyo 3 Maleeshiyo.
Weerar kale oo ka dhacay Degmadda Al-xueyniyah ee u dhow Webiga Furaad waxaa ku geeriyootay 7 qof oo rayid ah.
Dhinaca kale, Kooxda Daacish waxay maamulaan inta badan Gobalka Deyr Al-suur ee isku xira Xuduudka ay ka haystaan dalalka Syria iyo Iraq.
©Radio Dalsan