Saraakiisha dalkaasi ayaa sheegay inay dadkaasi geeriyoodeen, kadib, markii uu Baskii ay la socdeen ku dhacay goob Waadi ah oo ku taalla Degmadda Caragian ee Waqooyiga dalkaasi.
Dareewalka ayaa la sheegay inuu bareeg ka waayey Baska, xilli uu ka sii daadegayey Waddo Buuraley ah.
45 qof oo rakaab ah ayaa laga soo saaray Waadiga uu Basku ku dhacay, waxaana badankooda soo gaaray dhaawacyo halis ah.
Baskaasi ayaa la sheegay inuu ka yimid Gobalka Isabela, wuxuuna ku sii jeeday Gobalka Ilocos Sur oo ah Gobalka ugu wax soo saarka badan Bariiska iyo Buuriga ama Tubaakadda ee dalkaasi.
Shilkaasi ayaa lagu tilmaamay kii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaasi ka dhaca dhowrkii sanno ee la soo dhaafay.
©Radio Dalsan