Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 2 qof la dilay, mid kalena lagu dhaawacay Toogasho ka dhacday gudaha Dukaan Weyn ee Walmart, Super Market oo ku yaalla Degmadda Thornton oo 14 KM dhanka W/bari kaga toosan magaalladda DENVOR ee dalkaasi.
Qoraal la soo dhigay Twitterka Boliska Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Baarayaasha xaqiijiyeen in Toogashadaasi lagu dilay 2 nin, laguna dhaawacay Haweeney, taasi oo la dhigay Isbitaalka.
Qofka weerarka geystay ayaa la sheegay inuu baxsaday, iyadoo Goobjooge u sheegay Telefishinka 9 NEWS inuu maqlay ku-dhawaad 30-xabbadood..