Diyaaradaasi oo ay la socdeen Sarkaal sare oo ka tirsan Boliska iyo Saraakiil dhinaca Garsoorka waxay Waaberigii hore ee sakayto ku burburtayGoblk Tunceli ee  K/bari ee dalkaasi.
Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay in rakaabkii la socday Diyaaraddaasi ay ka mid ahaayeen 2 Garsoore iyo 7 Saraakiil Bolis iyo Shaqaalihii Diyaaradaasi.
Warbaahinta Maxaliga ee dalkaasi ayaa sheegay inay 8 Saraakiil Bolis ku geeriyoodeen Shilkaasi oo ka dhacay inta u dhexeysa Degmooyinka Pulumur iyo Ovacik.
Guddi Baarayaal ayaa loo diray halka ay Diyaaradda Helikopterka ku burburtay, si ay u soo ogaadaan waxa sababay shilkaasi.
Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay inuu roob culus oo ceeryaamo leh da’ayey, markii ay Diyaaraddu burburtay.
©Radio Dalsan