Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee dalka Uganda, Jeneral David Muhoozi ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan uu la yeshay Danjirayaal ka socday Ururka Midowga Europe ee EU-da.
Kulankaasi oo shalay ka dhacay Xarumaha Dhexe ee Wasaaradda Difaaca iyo Ciiddanka Uganda ku leeyihiin Deegaanka Mabuya ee K/bari ee caasimadda Uganda ee Kampala, waxay labada dhinac kaga wada hadleen Taageeradda ay EU-da siiyaan Ciiddanka Uganda iyo Hawlgalka AMISOM iyo Aragtida Dowladda Uganda ee qorshaha dhimista tiradda Ciiddanka AMISOM.
Diplomaasiyiinta ka socday EU-da oo uu hoggaaminayey Ambassador Attiliyo Basifiki waxay Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Uganda ka dhegeysteen warbixin ku aadan Xaalladda Ammaanka iyo Nabadda ee Gobalka iyo doorka ay Ciiddanka Uganda kaga jiraan Hawlgalladda ka socda dalalka Somalia iyo South sudan.
Taliyuhu waxa uu ugu baaqay Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe inaysan ka daalin dadaalka ay ku bixinayaan Taageerida Hawlgalka AMISOM iyo Nabadda Somalia.
Jeneral David Muhoozi waxa uu Diplomaasiyiinta EU-da la wadaagay inay Dowladda Uganda rumeysan tahay in dhimista Ciiddanka AMISOM loo baahan yahay in lagu saleeyo Xaallad oo aan waqti asaas looga dhigin.
“Xaalladda dhulka waa inay ahaato qoddobka ugu muhiimsan ee la tixgeliyo, marka la sameynayo Go’aanadda ku aadan Ammaanka Somalia†ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Uganda, Jeneral David Muhoozi.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Kabuta Museveni waxa uu bilowgii bishan ku hanjabay inuu Ciiddankiisa kala soo bixi doono Somalia, haddii ay QM iyo AMISOM go’aamiyaan in la dhimo tirada Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 6,223 Askari.