Madaxweynaha Uganda, ahna Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalkaasi, Yoweri Museveni waxa uu Isbedel ku sameeyey Saraakiisha Milliteriga ee Xilalka Sare ka hayey dalkaasi..
Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Uganda, Sarreeye Guuto Richard Karemire syaa shaaciyey Isku-shaandheyntaasi, Â iyadoo Saraakiisha uu saameeyey ka mid yahay U-qeybsanihii dhinaca Milliteriga ee Safaaradda Uganda ku leedahay Somalia, Colonel Omero Tingira Irumba, kaasi oo magacaabay U-qeybsanaha Milliteriga ee Safaaradda Uganda ku leedahay dalka Sudan.
U-qeybsanaha cusub ee Safaaraadda Uganda ee Muqdisho waxaa loo soo magacaabay Sarreeye Guuto Joseph Lucky Kidega.
Dhinaca kale, Taliyihii Guutada 3-aad ee Ciiddanka Uganda. Sarreeye Guuto Dick Prit Olum horeyna u ahaan jireu Taliyihii Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM muddadii u dhexeysay bishii June e esanadki 2013-kii ilaa bishii November ee sannadkii 2014-kii waxaa loo magacaabay U-qeybsanaha Milliteriga ee Safaaradda Uganda ku leedahay caasimadda dalka Kongada Dimqraadiga ee Kinshasa.
Si kastaba ha ahaatee lama caddaynin sababaha keenay Isku-shaandheyntaasi, balse , Ciiddanka ugu badan ee dalka Uganda waxay Hawlgalo Nabad-ilaalin ah u joogaan dalalka Somalia iyo Koongada Dimquraadiga.