Guddoomiyaha Shabakadda Awood-siinta dadka Naafadda, ahna U-ololeeye Dadka naafadda, Maxamed A. Faarax ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas oo uu siiyey Radio Dalsan, wuxuuna walaac ka muujiyey sida aan loo dhowrin Xuquuqda Muwaadinimo ee Dadka Naafadda.
Waxa uu carrabka ku dhuftay inaysan jirin qof naafo ah oo qeyb ka ah Hawlaha Doorashadda, ama xubno ka ah Ergooyinka Doorashadda.
“Waa ka xumahay inaysan dad naafo ah xubno ka ahayn Tobanaanka kun ee Ergooyinka wax dooranaysa iyo weliba Xildhibaanadda ka mid noqonayo Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka ee soo socda†ayuu yiri Maxamed A. Faarax.
Waxa kale oo uu xusay inay ka xun yihiin inaysan Guddiga Doorashooyinka Federalka fulinin Ballanqaadkii ay horey ugu sheegeen inay dadka Naafadda mudnaan siin doonaan.
Guddoomiyaha Shabakadda Awood-siinta dadka Naafadda, ahna U-ololeeye Dadka naafadda ah, Maxamed A. Faarax waxa uu tilmaamay inay dadka Naafadda 15% ka yihiin tiradda guud ee dadka Soomaalida, sida lagu caddeeyey Tiro-koob ay Hay’ad Swedish ah soo bandhigtay sannadkii 2010-kii.
U-ololeeyahaasi dadka Naafadda waxa uu ugu baaqay Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda inay tixgeliyaan Codsiga iyo Cabashadda dadka naafadda ee ugu nugul Bulshadda, isla markaana loo oggolaado inay xubno ku yeeshaan Labada AqaL ee Barlamaanka soo socda, Golayaasha Siyaasadda ee Qaranka iyo Hay’adaha kala duwan ee dalka Somalia.
HALKAN KA DHEGEYSO WAREYSIGA AAN LA YEELANAY MAXAMED A. FAARAX
Z0000087
©Radio Dalsan