Maamulka Turkish Airlines oo ka danqanaya Macluusha ka jirta Somalia iyo baahida dhinaca Gaadiidka ee soo-daabulista Kaalmooyinka ka imaanayo dalalka Caalamka ayaa ka dhawaajisay arrin ugub ku ah Shirkadaha Diyaaradaha ee Caalamka.
Shirkadda Diyaaradaha ee Turkish Airlines oo ah Shirkadda Caalamiga ee Duullimaadyadda Joogtadda ku timaada Somalia ayaa shaacisay inay Diyaaradahooda Rakaabka u adeegsan doonaan inay ku soo qaadaan Kontaynaradda Gargaarka Samafalka ay soo dhiibaan Kooxda Samafalayaasha ee la magac baxay The Love Army for Somalia, ee ay ugu soo deeqaan dadka ku macluulsan Goballadda Somalia.
Turkish Airlines waxay xuseen inay Diyaaradahooda Ganacsiga ku soo qaadi doonaan Gargaar kasta ee loo soo dirayo dadka ku macluulsan Somalia, waxayna sheegtay inay diyaarisay codsigii Koowaad ee Duullimaad Xamuul oo ay ka buuxaan 60 tan oo cunto ah oo ku soo wajahan Somalia.
Maamulka Turkish Airlines waxay kaloo sheegeen  inay Kooxda Samafalayaasha ee  The Love Army for Somalia u oggolaan doonaan inay Kontaynarada Cuntadda lagu soo daabulo Diyaaradaha Ganacsiga ee ku wajahan Somalia, ilaa laga baxayo Xaalladda Macluusha ee ka jirta Somalia.
Sida lagu daabacay Bogga GoFundMe Duullimaadka ugu horreeya ee Shirkadda Turkish Airlnes ayaa la filayaa inay muddo 10-maalmood gudaheeda lagu soo daabulo Shixnad Samafal oo isugu jirta Bariis, Bur, Saliidda Cuntada iyo qalab kale oo asaasi ah.
Kooxdu waxay kale sheegeen haddii la midoobo in wax kasta la qaban karo, kana go’an tahay inay hubiyaan in Somalia la gaarsiiyo kaalmo kasta oo ay u baahan yihiin.
©Radio Dalsan