Dowladda Turkiga ayaa si kulul uga hadashay Qarax Is-miidaamin ah oo barqanimadii Maanta ka dhacay afaafka hore ee Xerada tababarka Ciidamada ee Jeneraal Dhaga-badan ee ku taalla degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin qaraxii lala beegsaday dhalinyaro farabadan oo dooneysay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga dalka, kuwaasi oo isku dhex qarxiyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa.
Turkiga ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska dadkii waxyeelada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho oo u badnaa dhalinyaro, iyagoona dadka dhintay Alle uga baryay inuu u naxariisto, halka kuwo dhaawacmay ay u rajeeyeen Caafimaad.
“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarka argagixiso ee lagula beegsaday dhallinyaro dooneysay inay ka mid noqdaan ciidanka Soomaaliyeed maanta oo 15-ka June aheyd magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.
Inta la xaqiijiyay in ka badan 15 dhalinyaro ah ayaa ku geeriyooday qaraxaas ka dhacay Xerada tababarka Ciidamada ee Jeneraal Dhaga-badan, halka tabaatameyo kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la dhigay Xarumo Caafimaad iyadoona Mas’uuliyada qaraxaas ay sheegteen Al-shabaab.