Wasiirka Difaaca ee Turkiga, Hulusi Akar ayaa sheegay inay jawaab culus ka bixin doonaan haddii ay Ciiddanka Khaliif Xaftar daandaansi ku sameeyaan Danaha Turkiga ku leeyahay gudaha dalka Libiya.
Wasiirka oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Oska ee dalka Japan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay wajahaan dagaal ay la galaan Ciiddanka Khaliifa Xaftar haddi ay waxyeello u geystaan Diyaaradaha iyo Maraakiibta Turkiga ee ku sugan gudaha dalkaasi.
Wasiirka Difaaca Turkiga waxa uu sheegay inaysan indhaha ka qabsan doonin fal kasta oo khatar daandaansi ah, isagoo dhanka kale sheegay inay diiradda saarayaan sidi iay dadka Liibiya u heli lahaayeen Nabad iyo Farxad.
Hadalka Wasiirka ayaa u muuqda inuu jawaab celin u ahaa hadal uu Afhayeenka Ciiddanka Khaliifa Xaftar ku sheegay inay mamnuuceen Diyaaradaha Ganacsiga ee Turkiga ee duullimaadka ku taga Liibiya.
Afhayeenka oo lagu magacaabo Axmed Al-mismari waxa uu ciiddankiisa ku amray inay weeraraan Maraakiibta Turkiga iyo danaha uu ku leeyahay Liibiya.
Dowladaha Turkiga iyo Qatar waxay taageeraan Dowladda Liibiya ee ay QM taageerto, halka dowladaha Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka taageero la garab taagan yihiin Ciiddanka u daacadda ah Khaliifa Xaftar.
Dhinaca kale, Ciiddanka Dowladda Liibiya waxay soo bandhigeen Gantaalo, Daroonis iyo hub kale oo ay dalalka Maraykanka , Shiinaha iyo Imaaraadka horey ugu deeqeen Ciiddanka Khaliifa Xaftar.
Ciiddanka Dowladda waxay hubkaasi ku qabsadeen Saldhig ay Ciiddanka Xaftar ku leeyihiin Degmadda Qaryaan ee duleedka caasimadda dalkaasi ee Tripoli.