Dowladda Turkiga owaxay si cad u sheegay haddii ay Maraykanka ka iibin waayeen  Diyaaradaha Dagaalka ee F 35 inay meel kale ka raadin doonaan
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Mefluut kafusoglu oo la hadlay Telefishinka NTV ayaa hadalkaasi sheegay, wuxuuna tilmamaay inay bixiyeen Kharajka ay Maraykanka kaga iibsanayaan in ka badan 100 Diyaaradaha Dagaalka ee F 35.
Waxa uu tilmaamay inaysan jirin qorshe ay Dowladda Maraykanka ku soo celinayso Lacagaha hordhaca u ah Khaarjka diyaaradahaasi.
Dowladaha Turkiga iyo Maraykanka oo ka tirsan Isbahaysiga NATO ayaa la sheegay inuusan xiriirkooda fiicnayd, kadib, markii ay Turkiga sheegtay inay Raashiya ka iibsan doonaan Gantaalladda Difaaca Cirka ee S-400.