Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee : alaraby.co.uk waxay Dowladda Turkiga ku soo biiraysa Hawlgalka ay AMISOM kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.
Turkiga ayaa go’aankaasi qaatay, iyado ola filayo inay bisha soo socoto Saldhig Milliteri oo weyn ka furtaan Muqdisho, kaasi oo lagu kharaj gareeyey lacag dhan 50-million oo Dollar.
Waana Saldhigga Labaad ee ay Turkiga ku yeeshaan Caalamka, wauxuuna Saldhigaasi noqon doonaan Saldhiggii ugu weynaa ee abid laga dhiso Somalia.
Ilo Milliteri ayaa sheegay in Saldhigaasi lagu tababari doono 500 Askar cusub muddo hal sanno ah, si ay ula dagaalaman Alshabaab.
Dowladda Turkiga waxay horey u qorsheysay inay dib u dhisaan, isla markaana tababaraan Ciiddanka Somalia, kuwaasi oo horey u haysanin tababar ama aysan si joogto ah u helin Mushaarkooda.
Tallaabadda ay Turkiga ku sheegeen inay ka qeyb galayaan Dagaalka Alshabaab ayaa yimid, iyadoo ay ku soo wajahayaan Tartan Gobalka, iyadoo Dowladda Imaaraadka doonayso inay dhisaan Ciiddankooda ku sugan Mandiqadda.
Imaaaradka waxay Maamulka Somaliland la saxiixdeen Heshiis horseedaya inay Saldhig Milliteri ka dhigtaan magaalladda Berbera.
Xigasho: alaraby.co.uk
©Radio Dalsan