Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga waxay cambaaraysay Go’aanka Maraykanka ay cunaqabataynta ugu soo rogeen Wasiiradda Caddaladda iyo Arrimaha Gudaha Turkiga, kuwaasi oo ay Maraykanku sheegeen inay ka dambeeyeen Xariga loo geystay Baadari Maraykan ah oo ku xiran Turkiga.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga ayaa lagu sheegay inay ka aar-goosan doonaan Maraykanka go’aanka ay ku xayireen Wasiiro Turkish ah, isla markaana ay Maraykanka faragelin ku hayso Nidaaamka Garsoorka ee Turkiga.
Shalay ayey ahayd, markii ay Waaxda Maaliyadda ee dalka Maraykanka sheegeen in Wasiirka Caddaaladda Tuirkiga, C/xamiid Guul iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Suleymaan Soylu door muhiim ah ku lahaayeen Xariga Baadariga Mraaykanka ee Andrew Burunson.
Afhayeenadda Aqalka Cad ee Mataykanka, Sarah Sanders ayaa sheegya inay Xayiraad ku soo rogayaan Labada Wasiir ee Turkish ee ka dambeeyey xariga Baadarigaas 50-jirka ah.
Maxkamad ku taalla Turkiga waxay Talaadaadii sheegtay in Dhegeysiga Kiiska loo haystop Baadarigaasi dib loo dhegeysan doono bisha October 12-da ee sannadkan.