Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa sheegtay inay si xooggan u cambaaraynayaan Weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen Hotelkaasi, kuna geeriyoodeen ugu yaraan 20-qof.
Hadal-qoraal oo lagu soo daabacay Websaytka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga ayaa lagu sheegay inay Dowladda Turkiga sii wadi doonto inay garab istaagaan Shacabka iyo DFS, dagaalka ay kula jiraan Alshabaab.
Qoraalka waxaa lagu xusay Tacsi loo diray Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Weerarkaasi, waxayna kuwii dhaawacmay.u rajeeyeen Caafimaad Degdeg ah.