Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka oo ku kulmi doona Ankara, Rex Tillerson ayaa la filayaa inuu maalinta Khamiista ee soo socota booqasho hal malin ah ku tago Turkiga, si uu Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan iyo Wasiiro kale.
Qoddobadda ay ka wada hadli doonaan ayaa waxa ubuc u noqon doonta Hawlgalka Dagaal ee Kooxda Daacish ee ku sugan dalka Syria iyo Arrinta Sheekh Fatxullaahi Gulen oo deggan Maraykanka, kaasi oo lagu eedeeyo inuu ka dambeeyey Afgembigii Fashilmay ee bishii July ee sannadkii hore xilka looga tuuri laha Dowladda Madxweyne ERdogan.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Rex Tillerson inta uu booqanayo Turkiga  lama kulmi doono Kooxaha Mucaaradka Turkiga.
©Radio Dalsan
Â
Â