Madaxweynaha dalka Mraaykanka, Donald Trump ayaa xaqiijiyey in Marayknaka lagu soo wareejiyey maydadka 200 Askari oo looga dilay dagaalkii Kuurya ka dhacay sannadihii 1950-kii ilaa 1953-kii.
Madaxweynaha aayaa hadalkaasi ka sheegay Dibadbax ay Taageerayaashiisa shalay ka dhigeen magaalladda DULUTH ee Gobalka Minnesota.
.Ku-dhawaad 7,700 Askar Maraykan ah ayaa weli lagu la’ yahay Dagaalkii Kuurya, inkastoo ay Dowladda Waqooyiga Kuurya horey u sheegtay inay hayaan maydadka wax ka badan 200 Askari.
Warar madax bannaan ayaa sheegaya in dagaalkaasi lagu dilay in ka badan 35,500 oo Askar Maraykan ahaa.