Madaxweynaha ayaa ku baaqay in xukun dil ah lagu fuliyo Sayfullo Sayboof, kaasi oo 8 qof ku dilay Waddo ku taalla magaalladda New York.
Sayfullo Saipov  oo 29-jir ayaa la dhigay Isbitaalka, kadib, markii lagu dhaawacay weerarkaasi.
Waxa uu u sheegay Baarayaasha inuu 5 sanno ka hor qorsheeyey inuu geysto weerarkaasi, wuxuuna Baarayaasha ka codsaday in loo oggolaado in Calanka Kooxda Daacish uu surto qolka lagu daaweynayo.
Dhinaca kale, Boliska Gobalka Kolaraado waxay baadi-goobayaan Nin xalay toogasho ka geystay Goob Ganacsi, kuna dilay 3 qof oo ay ku jirtay qof dumar ah.