Madaxweyne Trump oo xalay hadlay ayaa ku dhawaaqay inuu joojiyey Wada-xaajoodyadii qarsoodiga ee ay la lahaayeen Hoggaamiyayaasha Ururka Daalibaan, kadib, markii ay Kooxdaasi sheegatay mas’uuliyada weerarkii ka dhacay caasimadda Afganistan ee Kabul ee lagu dilay Askari Maraykan ah iyo 11 qof oo kale.
Waxa kale oo uu baajiyey Shir Qarsoodi oo ay la yeelan lahaayeen Hoggaamiyayaasha ugu waa weyn Daalibasn, kaasi oo la filayaa inuu maanta oo Axad ah ka dhacaan Dhismaha Madaxtooyada ee Camp David ee Gobalka Maryland ee dalka Maraykanka.
Donald Trump waxa kale oo uu tilmaamay inay u qorshaysnayd inuu la kulmo Madaxweynaha Afganistan, Ashraf Qaani.
Madaxweyne Trump oo qoraalo Taxane ahaa soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inaan Daalibaan la aamini Karin, maadaama ay sii wadaan dilalka, waa sida uu hadalka u dhigay.
Wada-xaajoodyadii Nabadda ee Maraykanka iyo Daalibaan ayaa u muuqda mid burburay, kaasi oo la filayaa in lagu soo af-jaro dagaalka Afganistan iyo in Milliteriga Maraykanka ka soo baxay dalkaasi.
Si kasta ha ahaatee, Askarta Maraykanka ee sanadkan lagu dilay Afganistan waxay gaarayaan 16 Askari.