Waxaa Goordhow Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ka bilaabatay Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen.
Musharaxiin dhowr ah ayaa ku tartameysa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana la filayaa in Xildhibaanada si rasmi ah u doortaan Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen.
Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa u tartamaya laba Musharax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir, halka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad u taagan yihiin laba Musharax oo kala ah Siraaji Sheikh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame.
Sidoo kale xilka Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamaya Musharixiinta kala ah Mahad Hassan Osman iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulkaas.
Hoos ka Daawo muuqaalka.