Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo Caawa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ku dhaawacay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Sarkaalkaan ayaa xiliga la weerarayay waxa uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn Xarunta degmada Waaberi oo u hoygiisa ku yaallay,waxana la sheegay in uu ugu geeriyooday dhaawacii soo gaaray isbitaalka madiina.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya ayaa Goobta falkaan uu ka dhacay gaaray,in kastoo aysan jirin cid ay u soo qabteen falkaas.