Waxaa Goordhow soo gaba gaboobay Tirinta  Codadka Wajiga Koowaad doorashada Xubin ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya oo ka socota Jowhar taas oo ay Maanta ku tartamayaan ilaa lix Musharax.
Wareega koowaad ayaa waxaa ku hogaaminaya taliyihii hore ee Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe halka uu ugu dhow yahay musharaxa kale ee Nuur Idow Beyle.
Wareegii koowaad ee Doorashada ayaa hadda soo gaba gaboobay,waxana isugu soo haray Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo helay 24 Cod iyo Nuur Iidoow Beyle oo helay 23 Cod 3 Cod weey halaabeen halka 1 Cod uu helay Cali Cabdullaahi Cosoble.
Waxaa tartanka Wajigiisa Koowaad ku haray Musharixiinta
1:-Xuseen Axmed Geelle
2:- Dahabo Xasan Axmed
3:-Dahir Cabdulle Cawaale
4:-Cali Cabdullaahi Cosoble
Gudiga doorashooyinka ayaa shaaciyay in goordhow ay ku dhawaaqi doonaan natiijada Rasmiga ah ee doorashadaan.