Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Ilaaladda ku haysa Dib-u-dejinta Qaxootiga ee The Refugee Resettlement Watch (RRW) ayaa sheegtay ina in ka baadan 130,000 oo Qaxooti Soomaali ah dib-u-dejin loogu sameeyey dalka Maraykanka tan iyo sannadkii hore ilaa iyo bilowga sannadkan 2016-ka,
Tiradaasi kuma jiraan Soomaalida magangelyo-doonka iyo kuwa Tahriibayaasha ee sida sharci-darradda ku soo galay ama ku jooga dalka Maraykanka.
Hay’adda Kormeerta Dib-u-dejinta Qaxootiga  ee RRW waxay sheegtay inay 750 Qaxooti Soomaali ah bil kasta la keeno Maraykanka, si ay Nolol Dib-u-dejin ah uga bilaabanto dalkaasi.
Warbixinta Hay’adda RRW waxay sheegtay in Qaxootiga Soomaalida intooda badan Dib-u-dejin ka helaan 10-Gobal oo ka mid ah Maraykanka oo inta badan qaata Qaxooti badan.
Dhinaca kale, Hay’adda RRW waxay soo bandhigtay Shaxda Goballadda Maraykanka sida ay u qaateen Kumaanka kun ee Qaxootiga Soomaalida ee sannadkii hore ilaa bilowga sannadkan gaaray Maraykanka.
Waxayna Goballadda u kala qaateen Qaxootiga Soomaalida sidatan:
·       Gobalka Minnesota               563 qof
·       Gobalka New York                410 qof
·       Gobalka Arizona                   301 qof
·       Gobalka Ogio                        292 qof
·       Gobalka Fenelfaniya            222 qof
·       Gobalka Washington           214 qof
·       Gobalka Misuuri                  204 qof
·       Golbalka Kaliforniya           176 qof.