Kooxaha Gurmadka ayaa sheegay inay 162 mayd ka soo saareen meel ka baxsan Xeebta Degmadda dekedda leh ee Rosetta, halkaasi oo ay Arbacadii hore ku degtay dooni ay la socdeen Boqolaal Tahriibayaal ay ku jireen kuwo u dhashay Somalia.
Kooxaha Gurmadka waxay rumeysan yihiin inay doonidaasi la socdeen ilaa 450 Tahriibayaal quudaraynaysay inay gaaraan Xeebaha dalka Talyaaniga.
Horey waxaa loo soo badbaadiyey 163 ka mid ah Tahriibayaashaasi, waxaana weli socda baadi-goobka maydad kale.
Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta (IOM) ayaa sheegtay in weli la la’ yahay 240 ka mid ah Tahriibayaashii la socday Doonidaasi oo nooceedu ahaa kuwa lagu kaydiyo Kalluunka.
IOM waxay kaloo sheegtay inta badan Tahriibayaasha la soo badbaadiyey u dhasheen Masaar, inkastoo Tahriibayaal kale oo ka soo jeeda dalalka  Sudan, Eritrea iyo Ethiopia la soo badbaadiyey.
©Radio Dalsan