Afhayeenka Xafiiska Hay’adda Qaxootiga (UNHCR) ee dalka Kenya, Duke Mwancha ayaa sheegay inay Hay’adu ku soo baraarugtay inay dad badan oo Kenyaan iska dhigayo Qaxooti Soomaali ah iska diiwaan geliyeen Xeradda Dhadhaab.
Dad lagu qiyaasay 42,000 oo Kenyan ah isku diiwan geliyeen, si ay Raashin lacag la’aan ah uga helaan Xeradaasi.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay socdaan qorshe dib loogu dejinayo Dadka Kenyanka ku dhex milmay Qaxootiga Dhadhaab, iyadoo Hay’adda UNHCR ku hawlan tahay sidii loo yareyn lahaa Tirada Qaxootiga ku nool Xeradda Dhadhaab.
Waxa uu intaasi ku daray in tiradas ku jirta Qaxootiga Dhadaab lagu soo koobi doono 193,000 oo qof marka la gaaro Dabayaaqadda sannadkan.
Dhinaca kale, Tirokoobka Kenyanka dulsaarka ku ah Qaxootiga Dhadhaab ayaa waxay ku soo beegantay, iyadoo ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ka codsadeen Dowladaha Deeqaha bixiya 115.4 million oo Dollar, si loogu adeegsado Barnaamijka Qaxootiga Soomaalida ee iskooda ugulaabanayo dalkooda Hooyo.
Dowladda Kenya ayaa bishii May ee sannadkan waxay ku dhawaaqday inay xiri doonaan Xeradda Dhadhaab oo ay haatan ku jiraan Qaxooti tiradoodu dhan tahay 435,000 qaxooti oo badankooda Somali ah.
©Radio Dalsan