Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha ee dalka Syria ayaa sheegtay in tirada dadkii shalay ku geeriyooday qarixii ka dhcay Deegaanka Rashiidiin ee Galbeedka Aleppo inay gartay ugu yaraan 112-qof.
Shaqaalaha Gurmadka iyo Ciiddanka Difaaca Rayidka ayaa sheegay inay maydadka ugu yaraan 100 qof ka qaadeen meeshii uu shalay qaraxu ka dhacay.
Qaraxaasi ayaa waxa burburiyey Bass ay la socdeen dad rayid oo doonyey inay ka gudbaan goobaha ay Fallaagu haysteen, una gudbaan Qeybta ay Dowladda Syria maamulaan.
Dadka ku geeriyooday qaraxaasi ayaa badankooda ahaa dadkii degana Tuullooyinka Al-foua iyo Kefrya ee Gobalka Idlib.
Waxaa kale oo lagu dilay Ilaaldii Maleeshiyooyinka ee gelbinaysay Basaskaasi o oay la socdeen ugu yaraan 5,000 oo qof.
©Radio Dalsan