Dowladda dalkaasai ayaa caddeysay inay 42 Muwaadiniin shisheeye ah ka mid ahaayeen 253-kii qof ee lagu dilay qaraxyadii bishan April 21-dii ka dhacay dalkaasi.
Saraakiisha Dowladda waxay kaloo sheegeen inaan weli la tirinin 12 qof oo shisheeye ah oo laga yaabo inay ka mid yihiin dadkii lagu dilay qaraxyadaasi.
5 qof oo shisheeye oo dhaawacan ayaa weli ku jira Isbitaalladda, kuwaasi oo ka mid ahaa dadkii lagu dhaawacay qaraxyadi ilala beegsaday Kaniisadaha iyo Hoteelladda dalkaasi.
Tirada ugu badan ee Dhibanayaasha shisheeyaha ee ku geeriyootay qaraxyadaasi ayaa ka soo kala jeeda 11 u dhalatay Hindiya, 6 u dhlaatay Britain, 4 u dhalatay Shiinaha, 3 u dhalatay Denmark, min 2 ka soo kala jeeda dalalka Sacuudiga, Turkiga, Spain iyo mid hal qof oo ka soo kala jeeda Bangaladesh, Japan, Holland, Maraykanka, Switzerland iyo Bortiqiiska.
Waxaa kale oo jira 6 qof oo kale oo haystay in ka badan hal Dhalasho.
Dhinaca kale, maydadka 25 qof oo shisheeye ah ayaa waxaa xalay dib loogu celiyey dalalka ay ka soo kala jeedeen.