Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa Caawa oo Axad ah shaacisay in Dad hor leh laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas hore laga helay deegaanada Puntland.
Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu xaqiijiyey ay korortay tirada dadka laga helay Cudurka COVID-19.
Wasiirka ayaa cadeeyay in maanta laga baaray Cudurka 10 ruux oo 7 kamid ah ay rag ahaayeen iyo saddex dumar ah, xanuunkana laga helay 4 qof, halka 6 ruux laga wayay.
Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 10 ruux, majirto wali bukaan u geeriyooday xanuunka.