Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayuu qorshuhu ahaa in lagu qabto Ciyaarta Kubbadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada balse haatan la shaaciyay in Muqdisho loo soo wareejiyay.
Kulan ay xalay Kismaayo ku yeesheen Wasiirada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada ayay isku raaceen in tartankaan lagu qabto Magaalada Muqdisho.
Arrintaan ayay Wasiirada u sababeeyeen in ay tahay in weli dib-u dayactir uu ku socdo Garoonka kubadda Cagta Kismaayo oo lagu qaban lahaa.
Sidoo kale Wasiirada ayaa waxa ay sheegeen in marnaba aysan dib uga dhici doonin furitaanka tartankaas oo loo qorsheeyay 14,ka Bisha December ee Sanadkaan.