Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Marco Minniti waxa uu la kulmay Madaxda Magaallooyinka dalka Libya, oo ay isla eegeen Taabagelinta Heshiis ay labada dal kala saxiixdeen bilowgii sannadkan.
Kulankaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Libya, Danjiraha Talyaaniga u joogo Libya iyo Wakiilo ka socday Midowga Europe  ayaa la iskula eegay sidii wax looga qaban lahaa Kooxaha dadka tahriibiya iyo Ganacsiga Kontorobaanka ee ka jira magaallooyinka dalka Libya ee sida culus u dhibaateeyey Tahriibinta sharci-darada.
War-murtiyeed ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Talyaaniga ka soo saartay Kulankaasi ayaa lagu sheegay inay Dhallinyarada ku nool Libya loo baahan yahay inay ka shaqeeyaan Mustaqbal Rajo leh iyo inay ka xoroobaan cabsida Ururadda Dembiilayaasha ka qowleysta dalkaasi.
Bishii February ee la soo dhaafay, Dowladda Talyaaniga waxay balan qaaday inay Lacag, Tababar iyo Qalab ku taageeri doonaan Dowladda Libya ee ay QM taageerto, sidii loo joojin lahaa Qulqulka Muhaajiriinta ku wajahan Qaaradda Europe.
In ka badan 900,000 oo Tahriibayaal ah ayaa dhinaca Badda ku galay dalka Talyaaniga tan iyo sannadkii 2014-kii, kuwaasi oo badankooda ka soo ambabaxay Xeebaha Libya.