Barqanimadii Maanta ayaa Kolonyo ay la socdeen Ciidamo Talyaani ah waxaa Qarax lagula eegtay inta u dhexeeysa Kulyada Jeelle Siyaad iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya gaar ahaan Suuq lagu iibiyo xoolaha oo ku yaalla halkaas.
Dowladda Talyaaniga gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaas ayaa War kasoo saartay Qaraxii Maanta Ciidankooda lagula eegtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
War qoraal oo lagu daabacay Barta Twitter-ka Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga ayaa waxaa lagu sheegay qarax Ismiidaamin ah lala eegtay laba gaari oo ay la socdeen Ciidamo ka soo laabtay tababar ay siiyeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Xarunta Wasaaradda Gaadhaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.
Sidoo kale Taliyaniga ayaa sheegay in qaraxa waxa Khasaaro ah uusan ka soo gaarin Ciidandooda .
Dhinaca kale Qaraxaa ayaa waxaa ku dhaawacmay Saddex ruux oo shacab ahaa,isla markaana xiliga uu dhaacayay halkaas ka Agdhawaan sida uu Dalsan u sheegay qof ka badbaaday qaraxaas.