Taliyihii hore ee Ciiddanka Serbia, Ratko Maladij ayaa maanta la soo taagay Maxkamadda Caalamiga ee qaadaysa Dembiyadda Dagaalka ee ka dhacay dalkii la oran jirey Yogoslavia, oo ku taalla magaalladda Hayg ee dalka Holland.
Eedeysanaha oo 74-jir ah  waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in, kadib, markii lagu helay falkii lagu xasuuqay 8,000 oo rag ka tirsanaa Muslimiinta Bosniya oo lagu dilay magaalladda SERBENIIJA.
Garsooraha Maxkamadda,  Alphons Orie ayaa sheegay Kooxihii dilalkaasi ka geystay magaalladdaSEBRANIIJA qorsheynayeen inay wada dilaan Muslimiintii halkaasi ku noolayd.
Garsooruhu waxa kale oo xukmiyey inuu , Ratko Maladij shaqsi ahaan mas’uul ka ahaa Duqeyntii iyo Toogashadii dadkii lagu dilay magaalladda SARAJEEFO.