Qarax Xooggan ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana Jugta iyo rasaas goos goos ah oo daba socotay Qaraxa laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah Magaalada.
Qaraxa ayaa lagu weeraray Saldhiga degmada Waaberi ee Gobolkani Banaadir, waxaana warar aan helnay ay sheegayaan in Gaari Ismiidaamin ah lagu weeraray Saldhiga booliska degmada oo ku yaalla aga-gaarka Isgoska Dabka, waxaana qaraxu uu gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.
Dadka ku dhintay Qaraxa waxaa ka mid ah Taliyihii Saldhiga Degmada Waaberi Axmed baashane oo ku Magac dheeraa Colaalay, kaasi oo horay taliye uga soo noqday Saldhigyada Degmooyinka Cabdi Casiis iyo Shibis ee Gobolkani Banaadir.
Sidoo kale wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu soo gaaray Ciidamo ka tirsanaa kuwa Saldhigga degmada Waaberi, iyadoo wararku ay tibaaxayaan dadka dhintay ay ku jiraan Saraakiil ku sugnaa Saldhigga markii uu qaraxu dhacayay.
Wali lama xaqiijin khsaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa ismiidaaminta ah ee Cawa lagu weeraray Saldhigga degmada Waaberi, sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga Gobolka banaadir iyo kan Degmada.