Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa ka hadlay dagaal Culus oo Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ku dhexmaray deegaano hoostega degmada Buulo-burto ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalkaan oo markii hore bilowday, ka gadaal markii weerar Ciidanka dowladda ay ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka Ceel-bacad ee hoostega Buulo-burto ee Hirshabeelle.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo u warramay Warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in khasaaro kala duwan Al-shabaab lagu gaarsiiyay dagaalkii Hiiraan ka dhacay, uuna weli socdo howlgalka.
Waxaa uu sheegay Taliye Odawaa in Al-shabaab looga dilay howlgalka in ka badan 20 xubnood, isla markaana hub laga qaatay, waa sida uu hadalka u dhigay Taliyaha oo ka hadlaayay dagaal culus oo labada dhinac dhexmaray.
Weli ma jirto cid madax banaan oo xaqiijinta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka iyo weerarkii ka dhacay deegaanka Ceel-bacad ee hoostega Buulo-burto, waxaana weli la maqlayaa rasaas xoogan oo la is dhaafsanayo.
Maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoona qabsaday deegaano ay ku sugnaayeen Shabaabka, sidoo kalena uu howlgalka ka dhashay khasaaro kala duwan.