Wasiirka Wasaaradda Gaadhaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil kale.
Kulanka Wasiir Xasan Xuseen iyo Taliye Odawaa ayaa waxaa looga hadlay howlgalada ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ee ka socda deegaano ka tirsan Gobolada dalka ayna wadaan Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.
Sidoo kale Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa Wasiirka Gaadhaandhigga Xukuumadda warbixin ka siiyay hadlaka ay marayaan dhammaan Gobalada dalka, wuxuuna Taliyaha sheegay in guulo laga gaaray howlgaladii ugu dambeeyay ee fuliyay Galmudug.
Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayaa Taliyaha Ciidanka iyo Saraakiil kale oo la kulmay faray in lasii dardar-geliyo howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda dalka, si looga xoreyo deegaanada ay kaga sugan yihiin.
Ciidanka Xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa dagaal xoogan kula jira dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana howlgalo Ciidanka ay sameeyeen kula wareegay deegaano dhowr ah oo horey ugu sugnaayeen Shabaabka.
Dhinaca kale Al-shabaab ayaa weeraro qorsheysan oo khasaaro geysta ku qaada Saldhigyada Ciidanka Dowladda iyo kuwa ASMSIOM, sidoo kalena mararka qaarkood la eegta qaraxyo miino oo dhulka la geliyay, kuwaasi oo geysta khasaaro kala duwan.