Wararka Radio Dalsan ay ka heleyso deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in la dilay taliye ku xigeenkii Saddexaad ee Saldhiga Booliska deegaanka C eelasha Biyaha.
Masuuiyiinta Maamulka deegaanka Ceelasha ayaa waxa ay Dalsan u xaqiijiyeen dilkaas,waxana lagu magacaabi jiray taliyaha la dilay Mahad Ibraahim Cumar Weydow,iyada oo dilkiisa uu ka dambeeyey askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.
“Saakay ayaa isaga oo xaafadiisa iska jooga  taliyaha waxaa u yimid nin ka tirsan ciidamada millateriga oo ay qaraabo ahaayeen,waa ay israaceen balse markii ay cabaar socdeen ayaa askarigii waxa uu dilay taliyihii,isaga oo ka qaatay gaari iyo qori uu watay,haatana aan meel lagu sheegin ayuu yiri taliyaha saldhiga booliska deegaanka Ceelasha Biyaha.
Sidoo kale taliyaha ayaa waxa uu sheegay in taliyaha la dilay iyo askariga ay ku muran sanaayeen lacag ka dhaxeysay sidaasina dilka uu ku yimid,laakin ay wadaan baaritaano kale.
Dilka taliye ku xigeenkii Saddexaad ee saldhiga booliska Ceelasha Biyaha ayaa ku soo aadaya xilli xalay askari ka tirsanaa  ciidamada Dowladda uu dilay saddex wiil oo walaalo ahaa,isla markaana uu baxsaday.