Golaha Midowga Europe ee EU-da waxay shaacisay inay General Antonio Pianells Palau u soo magacaabeen Taliyaha Cusub ee Ciidanka Badda Midowga Europe ee EUÂ ee loo yaqano NAVY FORCES ee ATLANTA ee La-dagaalaanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.
Taliyaha Cusub oo u dhashay dalka Spain waxa uu Xilka la wareegi doonaa bisha soo socota ee October 1-da, sida lagu sheegaay Hadal ka soo baxay Golaha Midowga Europe.
Hawlgalka ATALANTA waxay gacan ka geystaan Ka-hortegista Falalka Burc ad-baddeeda iyo Kooxaha hubeysan ee ka dhaca Xeebaha ka baxsan Somalia.
Waxay kaloo taageero siiyaan Hawlgaalladda kale ee Midowga Europe iyo Barnaamijyadda ay ka wadaan Mandiqadda Geeska Afrika.
Dhinaca kale, Midowga Europe waxay Hawlgallo kale ka wadaan Somalia, oo ay ka mid yihiin Tababarida Ciiddanka DFS, Xoojinta Sharviga Rayidka ee Baddaha iyo La-talinta Hay’addaha DFS, gaar ahaan kuwa Amniga, si sare loogu qaado Awoodda Ciiddanka Somalia.