Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar loo adeegsaday dhagxaan Culus oo lagu dhaawacay Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka lagu magacaabo Saraar ee Somaliland iyo Askar la socotay.
Weerarka dhagxaanta ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Caynaba, kaasi oo yimid yimid kadib markii Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Saraar G/Dhexe Xasan Ismaaciil Yuusuf iyo Askarta ay isku dayeen inay awood ku kala kaxeeyaan dad ku xoonsanaa Goob ganacsi oo ku taalla meel ku dhow Guriga Taliyaha Booliska.
Intaas dib Dadkii shacabka ahaa ayaa weerar dhagxaan ah kala horyimid Taliyaha Booliska iyo Ciidankii la socday, kuwaasi oo doonayay inay dadka kala Eryaan, hayeeshee waxaa dhagxaanta dhaawac Culus uu kasoo gaaray Taliye Xasan Ismaaciil iyo laba Askar.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka Booliska ay rasaas xoogan ku fureen dadkii shacabka ahaa ee weerar kusoo qaaday, welina Khasaaraha ay geysatay rasaasta lagu furay dadka shacabka.