Taliyihii Ciidamada Maxkamada Darajada koowaad Ee gobalka Bari Maxamed Cali Saleeban ayaa dablay hubaysan waxa ay Caawa ay ku dhaawaceen meel aan sidaas uga fogan halka ay ku taalo Maxakmada Darajada koowad Ee Magaalada Boosaso
waxana dhaawac taliyaha gaystay dablay baastoolada ku hubaysan kuwaso haybtooda la aqoon sida ay xaqiijiyeen taliska qaybta booliska gobolka bari.
Dhaawac taliyaha ayaa loo qaday isbitalka wen ee Boosaso si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo.
Ilaa hada Ma jirto cid ka hadashay dhaawaca taliye Maxamed cali Saleebaan oo ka tirsan Maxkamada darjada 1aad gobolka bari.
Ugu danbeyna Waxaa goobtaasi Gaaray Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowladda oo Baaritaan ka wada goobtii Falku Ka dhacay.